Nabad & Amni

Aragti Ku Saabsan Dib-u-Habaynta Siyaasadeed iyo Dhismaha Qaran Soomaaliyeed oo Waara

By : Mahad Dahir
On : Feb 19, 2026

Hordhac

Marka si guud oo falanqayn leh loo eego xaaladda Soomaaliya, waxaa muuqata in bulshada Soomaaliyeed ay si weyn uga soo kabanayso boogihii ka dhashay dagaalladii sokeeye iyo qaladaadkii siyaasadeed ee soo maray dalka. Sidoo kale, waxaa la dareemi karaa koboc dhanka wacyiga bulshada ah, kaas oo muujinaya in dadweynuhu aysan mar dambe aqbalaynin hoggaan ku celinaya khaladaadkii hore. Bulshada inteeda badan waxay u muuqataa mid diyaar u ah aqbalidda aragtiyo cusub oo horseedi kara nabad waarta, dib-u-heshiisiin dhab ah iyo horumar la taaban karo.

Qoraalkan waxa uu si cilmiyeed u falanqaynayaa baahida loo qabo isbeddel siyaasadeed oo qoto dheer, dib-u-qaabaynta hay’adaha dowliga ah, iyo dhisidda aragti qaran oo mideysa bulshada Soomaaliyeed.


1. Isbeddelka Wacyiga Bulshada iyo Baahida Aragti Siyaasadeed Cusub

Siyaasadda muddada dheer ka jirtay Soomaaliya waxay keentay kala-qaybsanaan bulsho, dib-u-dhac dhaqaale iyo burbur hay’adeed. Sidaas awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in la helo aragtiyo siyaasadeed oo cusub iyo hoggaan leh maskax miro-dhal ah, kana madaxbannaan raadkii colaadaha iyo qalalaasihii hore.

Aragtiyaha cusub waa in ay:

  • Dhiirrigeliyaan nabad iyo wada noolaansho.

  • Xoojiyaan midnimada iyo wadajirka bulshada.

  • Dhisaan jiil aqoon iyo anshax leh oo la jaanqaadi kara tartanka caalamiga ah.

  • Abuuraan hannaan dowladeed oo hufan, isla markaana ku dhisan isla-xisaabtan iyo wada-ogol bulsho.

Waxaa muhiim ah in miiska looga arrinsanayo mustaqbalka Soomaaliya ay fadhiistaan dad ka koray qabyaalad, dan gaar ah iyo taariikhihii colaadaha, kana go’an dhismaha qaran mideysan.


2. Doorashada Nooca Dowladnimo ee Mustaqbalka

Khibraddii dowladihii soo maray Soomaaliya (1960–2025) waxay ina tusaysaa baahida loo qabo in si cad loo qeexo nooca dowladnimo ee la doonayo. Su’aasha muhiimka ahi waa: ma rabnaa dowlad kaliya lagu badbaado, mise dowlad lagu badbaado laguna gaaro horumar ballaaran?

Aragtida halkan lagu soo jeedinayo waa dhismaha dowlad weyn oo Soomaaliyeed oo:

  • Hubisa amni iyo xasillooni joogto ah.

  • Gaarta horumar dhaqaale iyo bulsho.

  • La tartami karta dowladaha gobolka mustaqbalka dhow.

  • Dhista sumcad qaran oo ku dhisan sharaf iyo isku-filnaansho.

Si taas loo gaaro, waxaa lama huraan ah in la beddelo aragtida laga aaminsan yahay nafta, bulshada iyo dalka; lana xoojiyo kalsoonida ku aaddan kartida iyo kheyraadka qaranka.


3. Dib-u-Habaynta Qaab-Dhismeedka Dowliga ah

3.1 Kala-Madax-bannaanida Hay’adaha Dowladda

Dhismaha dowlad-wanaag wuxuu ku xiran yahay kala-madax-bannaanida:

  • Baarlamaanka

  • Laanta fulinta

  • Garsoorka

Dowladnimadu waa in ay ku dhisnaataa heshiis bulsho oo wadar ogol ah, halka xukuumaddu ka dhalanayso tartan xisbiyo oo caafimaad qaba. Xildhibaanadu waa in ay noqdaan kuwo leh aqoon, akhlaaq iyo sumcad bulsho, shaqadooduna ku koobnaato dejinta sharciyada iyo la-xisaabtanka laamaha fulinta.

Isku milanka laanta sharci-dejinta iyo fulinta waa in laga fogaadaa si loo xoojiyo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta.

3.2 Doorka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha

Khibradaha hore ee khilaafaadka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ama isku milanka awoodahooda, waxay muujinayaan baahida loo qabo kala qeexid cad oo waajibaadkooda ah.

  • Madaxweynaha: Waa astaanta qaranka, kana sarreeya loolanka siyaasadeed. Waa in uu noqdaa mid anshax, turis iyo midnimo lagu yaqaan, isla markaana si sharafeed u hoos yimaadaan hay’adaha madaxa-bannaan iyo ciidamada.

  • Ra’iisul Wasaaraha: Waa madaxa xukuumadda, kana yimaada xisbi siyaasadeed, loona madax-banneeyo fulinta qorshayaasha dowladda.


4. Dib-u-Habaynta Maamulka Deegaanka

Si loo gaaro doorashooyin toos ah oo heer degmo iyo gobol ah, waa in marka hore:

  • La caddeeyo darajooyinka iyo mushaaraadka.

  • La qeexo shaqooyinka iyo awoodaha.

  • Laga saaro saameynta qabiilka iyo nidaamka 4.5.

Maamulka gobollada iyo degmooyinka waa in lagu saleeyaa karti iyo aqoon, iyadoo shaqooyinka farsamada loo furayo tartan qaran.


5. Xoojinta Hay’adaha Madaxa-Bannaan iyo Garsoorka

Dhismaha dowladnimadu waa in uu ka bilaabmaa:

  • Hay’adaha madaxa-bannaan (xuquuqul insaanka, doorashooyinka, la dagaalanka musuqmaasuqa).

  • Garsoor madax-bannaan oo heerarkiisa kala duwan shaqeynaya.

  • Ciidan qaran oo ka madaxbannaan siyaasad, kuna dhisan difaaca sharafka iyo badbaadada shacabka.


6. Doorka Dhaqanka iyo Qabiilka

Dhaqanka Soomaaliyeed waa in loo qaabeeyaa si uu u noqdo hay’ad bulsho oo ka madaxbannaan dowladnimada, balse kaalin ku leh xoojinta nabadda iyo xallinta khilaafaadka. Nabadoonnada, ugaasyada iyo isimada waa in lagu soo xulaa hannaan hufan, kana madax-bannaan faragelin siyaasadeed.


7. Aragti Qaran iyo Doorka Soomaaliya ee Gobolka

Soomaaliya waa in ay:

  • Isku aragtaa qaran sharaf iyo karti leh.

  • Door hoggaamineed ka qaadata Geeska Afrika.

  • Kaalin firfircoon ka qaadata fidinta iyo barashada diinta Islaamka.

  • Ku faantaa Afrikaanimadeeda, kana noqotaa tusaale horumarineed.

Sidoo kale, waa in la soo saaro jiil aqoon iyo ilbaxnimo leh oo difaaci kara danaha qaranka fagaaraha caalamka.


Gunaanad

Dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo heybad iyo awood leh ma aha hawl ku saleysan nasiib, balse waa geeddi-socod ku dhisan qorshe, wacyi bulsho, iyo hoggaan aragti fog leh. Haddii la mideeyo caqli-furnaanta, kartida iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed, waxaa suuragal ah in la dhiso qaran gaara nabad waarta, horumar la taaban karo, iyo sumcad caalami ah.

Bulshada Soomaaliyeed waxay u qalantaa in ay hiigsato hoggaan heer gobol iyo heer caalami ah, iyadoo ku dhisan qiyam, aqoon iyo midnimo qaran.

Aragtidii: Mahad Dahir (Madaxa Somamo).

Warar

Wararka La Xiirara