Waxa diyaariyey: Madaxa Xarunta Cilmi-baarista ee Somamo Mudane: Mahad Dahir
1. Hordhac iyo Taariikh Kooban
Tan iyo sannadkii 2000, dowladnimada Soomaaliya waxay soo martay laba marxaladood oo kala duwan:
* Marxaladdii Koowaad (2000–2009): Xilli ay ragaadiyeen xasilooni-darro siyaasadeed iyo amni-darro baahsan.
* Marxaladdii Labaad (2009–Hadda): Xilli ay madaxdu heleen fursad ay ku dhamaystiraan muddo-xileedkooda, balse waxaa soo baxay caqabado ay ka mid yihiin: muddo-kordhin, ixtiraam-darro loo muujiyo dastuurka, iyo mashaariicda qaranka oo loo weeciyo dano shakhsiga ah.
2. Fursadaha Dahabiga ah ee Maanta Jira
Maanta, waxaa jira toddobo (7) fursadood oo rukun u noqon kara isbeddelka:
- Sugnaanta amniga, gaar ahaan caasimadda iyo inta badan gobolada dalka.
- Koobnaanta shaqsiyaadka sida saxda ah saameynta muuqato ugu leh siyaasadda Dalka.
- Cunaqabataynta hubka oo dalka laga qaaday, taasoo nasiinaysa fursad aan kudhisan karno ciidan xoogleh.
- Kafaa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Dalka, gaar ahaan shidaalka oo meel bilaw ah maraya.
- Taageerada caalamiga ah ee inta badan wadamada aduunka iyo ururada caalamiga ah ay u muujiyeen midnimada Dalka.
- Xaaladda gobolka gaar ahaan siyaasadda wadamada deriska nala ah oo aan u xooganeen sidoodii hore waxaana muuqato fursad aan kusoo kaban karno inta ay isku maqanyihiin.
- iyo in aan maanta heysano jiil dowladnimo soo’arkay, goobjoogne ka’ahaa marxaladaha uu dalka soomaray iyo jiil dhalinyaro ah oo ku hubeesan aqoon iyo waayo aragnimo casri ah.
3. Soo-jeedinta Machadka Somamo: Jidka Marxaladda Saddexaad
Si looga baxo tiihaan umadeed ee na-heysta, Machadka Somamo wuxuu soo-jeedinayaa qorshe ka kooban sagaal (9) qodob:
I. Kaalinta Bulshada Rayidka ah
Samaynta guddi madax-bannaan oo aqoonyahanno iyo bulshada rayidka ah ka kooban, kuwaas oo dhex-dhexaad ka ah tartanka siyaasadda, doorkooduna yahay hagista iyo dhex-dhexaadinta geedi-socodka qaranka.
II. Maareynta Damaca Shakhsiga ah (Legacy Management)
Si looga fogaado loolan lagu hoobto, waa in loola macaamilaa madaxda damaca leh hab la jaan-qaadaya rabitaankooda, iyadoo la siinayo dammaanad maaliyadeed iyo mid maamuus si looga dhaxlo raad wanaagsan (Legacy).
III. Dowladnimada Farsamada (Technocratic Government)
Jagada Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Wasiirada, iyo Agaasimayaasha Guud waa in ay qabtaan dad khubaro ah (Technocrats). Shaqadoodu waa fulinta mashaariic qaran, iyagoo ka madax-bannaan loolanka siyaasadeed ee maalinlaha ah.
IV. Heshiisyada Mashaariicda Waaweyn ee Qaranka
Mashaariicda masiiriga ah, sida Dhismaha Ciidanka Qaranka, waa in ay noqdaan kuwo horay loogu heshiiyay oo heer qaran ah. Xukuumadda waxa keliya oo laga rabaa fulin, si aanay mashaariicdu u noqon kuwo isbeddela marwaliba oo wejiyada xubnaha laanta fulinta ay isbadellaan.
V. Habaynta Nidaamka Federaalka (Maamul Keliya)
Maadaama dalku yahay Federaal, si loo yareeyo isqabqabsiga joogtada ah ee dowladda dhexe iyo maamulada: Doorka Madaxda Maamul Goboleedyada waa in laga dhigo mid maamul (Administrative) oo keliya ah, iyadoo loo deynayo fulinta adeegyada bulshada ee maamul goboleedkooda.
VI. Habaynta Qaab-dhismeedka Qabaa’ilka iyo Dib-u-heshiisiinta
Qaab-dhismeedka qabaa’ilka waa in laga dhigo mid garab u ah dowladnimada. Madaxda qabaa’ilka (Ugaasyada iyo Nabadoonada) waa in lagu xushaa hab la’isla ogolyahay, iyagoo noqonaya kuwo siyaasadda ka dhex-dhexaad ah. Marka taas la helo, waxgaradku waa inay horseedaan dib-u-heshiisiin dhab ah si loo soo celiyo kalsoonida bulshada.
VII. Hannaanka Madaxtooyada (Madaxweyne Oday ah)
* Xilka Madaxweynaha: Waa inuu noqdo mid wareegto ah, isagoo ah Ilaaliyaha Dastuurka iyo Dowladnimada.
* Mowqifka: Madaxweynuhu marnaba qeyb kama noqon karo xisbi, waana inuu u sinaado xisbiyada, isagoo ah Oday ama Nabadoon Guud.
* Xukuumadda: Waxaa ku tartamaya xisbiyada, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu ka imaanayo xisbiga guuleysta.
VIII. Golaha Odayaasha Qaranka (Council of Statesmen)
Dhisidda gole ay xubno ka yihiin madaxdii hore (Madaxweyne, RW, Guddoomiye Baarlamaan). Golahan wuxuu bixinayaa talooyin waayeelnimo, wuxuuna dalka ka ilaalinayaa loolanka u dhexeeya jiilka cusub iyo kuwii hore.
IX. Shuruudaha Mas’uuliyadda
Xubnaha Baarlamaanka iyo garsoorka waa in lagu xiraa shuruudo adag oo dhinaca aqoonta, kartida, iyo hufnaanta ah, iyadoo laga fogaanayo shakhsiyaadka dalka godob ka galay.
4. Gunaanad iyo Baaq
Haddii aan qaadanno hab-fikaarkan “Heshiiska Masiirka”, Soomaaliya waxay ka gudbi doontaa tiiha siyaasadeed, waxayna u gudbi doontaa marxalad lagu heshiiyo dastuurka iyo dhismaha hay’ado madax-bannaan.
Digniin: Haddii bulshada rayidka ah iyo waxgaradku aysan maanta ciyaarin door muuqda, waxaa hubaal ah inay lumi doonto fursaddan qaaliga ah, taas oo horseedi karta inuu sii dheeraado wareerka khatarta gelinaya jiritaanka iyo midnimada dalka.






