Wacyigelin

Bulsho bogsatay oo diyaar u ah in loo qaabeeyo sida san

By : Mahad Dahir
On : Jan 26, 2026

Xaalka guud ee Soomaaliya markaa fiirisid waxaad si nadiif ah oo aan caad saarneeyn aad u’arki karataa in :-

  • Bulshada soomaaliyeed ay ka bogsadeen boogihii ka dhashay dagaalkii sokeeyo iyo qaladaadkii ay siyaasiyiinta hore sameeyeen, iyo sidoo kale in ay wacyi ahaan ay u koreen oo aysan kayeeleenin siyaasiyiinta hadda xilalka haaya ama kuwa soo-socda in ay ku hogaamiyaan isla wadadii hore ee lagu soojabay. Bulshada soomaaliyeed badankooda waxee diyaar uyihiin inee aqbalaan fikrado cusub oo horseedi kara nabad waarta, bulsho is-aqbasha iyo horumar.
  • Siyaasadda; waxaa muuqato in ay bulshada ka kortay fikir siyaasadeedka hadda saaxadda yaala oo ah mid ee ka dhaxleen dib-udhac bulsho, kala qeybinta dadka soomaaliyeed iyo bulsho soomaaliyeed oo dalka gudahiisa iyo dibadiisaba ku dayacan, kuna bahdilan. Waxaana laga maarmaan ah in lahelo aragtiyooyin siyaasadeed oo cusub iyo siyaasiin caqliyad mirodhal ah oo cusub leh sida, sidoo kalane aan daggano( aanan kamid aheen raggii qeybta ka ahaa dhibaatoyinkii aan soomarnay) hore usoo galin, diyaarna u’ah inee aragtiyooyinka cusub bulshada ku hogaamiyaan.
    Aragtiyooyinka cusub waa in ay noqdaan kuwa horseedi kara nolol qurux badan, nabad, horumar iyo dhisidda jiil soomaaliyeed oo dunida hogaamin kara.

Si talaabooyinkaas kor kuxusan iyo kuwa ka wanaagsanba loogaaro, waxaa soojeedin lahaa:-

  1. In Siyaasiyiinta hore eesan kahadlin siyaasadda si’aysan dadka usii kala geynin unasii kala dilin, waxaa kaloo muhiim in dhamaan siyaasiinta iyo dadka qeybaha ka ahaa dowladihii hore ee dalka soomaray, jabhadii qeybta ka ahaa burburka dowladnimada iyo dhamaan shaqsiyaadka iyo ururadii qeybta ka ahaa inee Soomaaliya wajigaan foosha xun yeelato in aysan soo fadhiisanin miiska looga hadlayo soomaaliyada cusub. Dadka soo fadhiisanaayo miiska looga hadlayo soomaliyada cusub waa in ay noqdaan kuwa ugu yaraan taagan Soomaalinimo oo ka koray qabyaalad, dhul kala lahaansho iyo reer keyga ayee ku fiicantahay.
  2. Anagoo ka faa’iideesaneyno qibradii aan ka dhaxalnay dowladihii jiray 1960 ilaa iyo 2025, waa in aan kala dooraanaa dowladaa rabno nooca ay noqondoonto, tusaale ahaan mawxaan rabanaa keliya dowlad aan kukala badbaadno?, mise, waxaan rabnaa dowlad aan kukala badbaadno sidoo kalane aan ku xaqiijino guulo waaweyn oo bulsheed, kuna gaarno horumar lataaban karo?. Aniga aragtideyda waa in aan doorano dhisitaanka dowlad weyn oo soomaaliyeed oo aan kukala nabad geli karno, kuna xaqiijin karno guulo waaweyn iyo sidoo kalane aan kula tartami karno mustaqbalka dhaw dowladaha gobolka.

Si’aan taas ugaarno waa in aan sameenaa talaabooyinka soosocdo:-

  • Waa in aan badalno aragtida aan ka aaminsanahay nafteyna, bulshadeena iyo dalkeena. Waa inaa aminna inaanu nahay dad uu Alle sharfay, firfircoon oo maskax furan, dejiyane mandiqad istiraatiiji ah, iyo sidoo kalane aan aaminnaa inaa inaga amaankeena aan sugan karno oo aanu nahay dad iyo dal iskufilan.
  • Waa in aysan micno inoo sameenin dadka kale ee aan soomaliga aheen amaantooda iyo dhalliishoodaba oo aanu noqonaa dad waaqicooda runta ah ku nool, marwalibana udiyaarsan isbadel dhinaca wanaagsan ah.
  • Waa in aysan nala weynaanin aragtiyooyinka ama hiigsiga dowldaha deriska nala ah ee aanu u aragno dad caadi ah oo aan hadaa inaga ka soomaali ahaan isku tagno aan ka adkaan karno, ka kaarto badin karno iyo sidoo kalane aan isla iyagaba aan hogaamin karno. Waa in aanan isku arkin dad dhulkooda xiliwaliba ay wadamada deriska kala goysan karaan balse aan isku aragno inaanu nahay shacab gob ah oo geesiyaal ah oo dhulkooda in lasoo haweysto iska dhaafee aan sharafkooda xitaa meel looga dhici karin.
  • Waa inaan isku aragnaa inaanu nahay walaalka weyn ee qowmiyadaha dega geeska afrika.
    Sidoo kalane aan door weyn ka qaadanaa sida uu wadamada geeska afrika u ekaan doono mustaqbalka dhow iyo midda fogba.
  • Waa in aanu noqonaa bulsho markeeda hogaanka u qabata fidinta iyo barashada diinta Islaamka oo aynaan diinta Alle marti ugu noqonin walaalaha carabta.
  • sidoo kalane waa in aynu noqonaa bulsho ku faanta afrikaanimadeyda, noqonana barta ay ka bilaabata waxa bulsho weynta afrika uroon.
  • Waa in aanu si ulakac ah usoosaarnaa wiilal iyo gabdho ku hubeesan aqoon iyo ilbaxnimo oo fagaaraha caalamaka usuuq geyn kara, kuna difaaci kara aragtiyooyinka aanu aaminsanahay ka bulsho soomaaliyeed ahaan.
  • ugu dambeyn waa inaanu noqonaa bulsho si kama ah ama nasiib ah aan unooleen balse aanu noqono bulsho hadafyo aduun iyo aakhiraba anfacaaya inee xaqiijiso unool.

Marka ay timaado hanaanka loo maraayo dowlad wanaaga iyo dhisitaanka qaran heybad iyo xoogba leh, waxaan soojeedinaa qodobadaan soosocdo:

  • In aan si buuxdo ukala madaxbaneeno hey’adaha dowligga ah sida baarlamaanka, laanta fulinta iyo maxkamadaha. Sidoo kalane waa in dowladnimada iyo xukuumadda aan kala qaadno oo ay noqdaan kuwa kala duwan. Dowladnimadu waa in ay noqotaa mid kudhisan heshiish bulsho oo wadar ogol ah,balse xukuumaddu waa in ay noqotaa mid Xisbiyada kala duwan ee dalka ee u-galaan loolan caafimaad qaba.
  • Waa in xubnaha baarlamaanka (xildhibaanada) ay noqdaan kuwa aqlaaq leh, sumcad fiican bulshada ku dhex leh iyo kuwa leh aqoon ay waajibaadkooda dastuuriga ah ku gutaan. Waa in aysan xildhibaanada kamid noqon karin laanta fulinta, sababto ah iskumilankooda waxa uu keenayaa in laga gaabiyo laxisaabtanka laanta fulinta. Sidoo kalane waa in shaqada xildhibaanka loo igmaday ay ku ekaato keliya laxisaabtanka laamaha dowliga ah iyo dejinta xeerarka. Shaqada xildhibaanka kuma jirto inuu af qabiil ku hadlo ama uu ku hadlo wax bulshada kala qeybin kara. Si ‘uu xildhibaan unoqdo mid qaran, waa in uu noqdaa mid ay bulshada oo dhan ay soowada dooratay.
  • anagoo ka faa’iideesaneyno qibradii aan ka dhaxalnay dhibaatada ee leedahay madaxweyne iyo ra’iisul wasaare is qilaafsan, iyo sidoo kale dhibaatada ay leedahay madaxweyne iyo ra’iisul wasaare fikir weliba isku raaca ila ay isku noqdaan hal qof, waa inaa kala qaadnaa labada mas’uul shaqadooda,waa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarahee, waa inaan dhamaan hey’adaha dowliga ah oo madax banaan sida gudigga xuquuqul insaanka, gudiga doorashoohinka, gudigga ladagaalanka musuqmaasuqa,iwm iyo dhamaan noocyada kala duwan ee ciidanka aan si dadban oo sharafeed ah aan u hoosgeeyno madaxweynaha.
  • Noocyada kala duwan ee ciidanka waa in ay noqdaan kuwa loodhisay badbaadada iyo difaaca sharafka dadka iyo dalka soomaaliya oo ay noqdaan kuwa ka madaxbanaan siyaasad. Shuruucda ay ku shaqeendoonaan iyo qaab dhismoodkeeduna waa in ay noqdaan kuwa ay waxgaradka soomalida isku raacsanyihiin. Waa in ay noqdaan ciidan aan soomalinimada aan sinaba uga hoos mari karin, sidoo kalane dadka ay uwada simanyihiin.
  • Madaxweynaha waa astaanta wadanka, waana in laga dhigaa kuweena inoogu dhowrsan, akhlaaqda badan, inoogu nabadoonsan, inoogu midnimo jacel, inoogu turis badan. Waana in laga dhigo mid wareegto ah.
  • Waa in Ra’isul wasaaraha uu ka imaado mid kamid ah xisbiyada wadanka kajira, waana in loo madax baneeya xukuumadda iyo shaqooyinka horyaalo fulintooda. Waana in xubnaha wasiirada laga dhigaayo iyo agaasimayaasha lagu sooxulaa aqoontooda iyo kartidooda ee aan lagu jaan gooynin nidaamka 4.5.
  • Maadama aan ku daalnay inaa helno hogaan aragti leh oo nagu hogaamiyo mustaqbal inoo wada dan ah oo dhamaanteenaba inoo fiican, waa inaa markaan u weecano nidaam cadaalad ah inaa dhisano oo ay noqoto qorshaha ay laanta fulinta iyo ra’iisul wasaarahaba ay fulinaayaan mid la’isla wada ogyahay oo ay guddi kamadax banaan laanta fulinta ay soodiyaarisay.
  • Si loogaaro in shacabka ay soodoortaan maayarada iyo gudoomiye degmooyinka ee rabaan, waa inaan marka hore ka bilaawnaa in darjooyinka lamicno tiro oo ay noqdaan kuwa mushaarka ay qaatan la’isla ogyahay, fulinayana qorsho la’isla wada ogyahay iyo sidoo kalane aan saameyn toos ah mid dadban ba aan ku laheen shaqaalo qorista,shaqo ka eryinta iyo qandaraas bixinta. Waa in inta taas laga gaarayo degemooyinka iyo gobolada dadka madax ka noqonaya loodaayo sida ay hadda yihiin balse shaqooyin farsamada iyo aqoonta ubaahan loo tartamo oo ay noqodaan kuwa ufuran soomaali oo dhan, tusaalo ahaan gudoomiyaha gobolka banaadir waa in laga dhigo mid maamul oo siyaasi aheen, shaqada uu fulinaayana ee tahay mid horay loosoo diyaarshay oo isaga keliya laga raba inuu layimaado qorshahaas sida loofulin karo iyo mudada lagu fulin karo, sidoo kalane ku xigeenada gudoomiyaha gobolka meesha ay hadda tahay kuwa ku saleesan hab qabiil oo 4.5 waa in laga dhigo shaqooyin farsamo iyo aqooneed oo tartan lagu yimaado, qof walibane ufuran inuu utartamo.
  • Gudoonka gobolada iyo degmooyinka, waxa ay ushaqeeyaan bulshada Meesha ay maamulaan ku nool, waana in ay ka fogaadaan qabyaalad iyo ku hadlida wararka bulshada kala dili kara ama horseedi kara tuhun bulshada kala dhexgala.
  • Waa in dhamaan xubnaha dowladda laga soobilaabo madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, wasiirada, xildhibaanada iyo dhamaan shaqaalaha dowladda qeybaheeda kala duwan ay noqdaan kuwa wadanka gudahiisa ku nool iyaga iyo reerkoodaba.
  • Waa in dadka dowladda iyo xukuumadda shaqada kahaaya darajo weliba oo ay haayanba aysan ganacsato noqonin, si aysan isuugu milmin ganacsatada iyo madaxda doowladda.
  • Dhisitaan dowladnimda waa inaa ki bilaawnaa, sameynta hey’adaha dowliga ah ee madaxa banaan iyo maxkamadaha heerarkeeda kala duwan. Sidoo kalane waa in dhamaan madaxda maamul goboleedyada doorkooda laga dhigo mid maamul oo siyaasadda loodaayo xisbiyada wadanka kajira.
  • In dhaqanka laxoojiyo oo qabiilka laga dhigo hey’ad iskeeda ujirta oo dowldanimda xoojisa, lana yaqaano shaqsiyaadka noqonaya nabadoonada,ugaasyada,salaadiinta,isimada iyo garaadada iyo sida saxda ah ay darajooyinkaas ay ku gaaraan. Waana inee noqdaan kuwa 100% ka madaxbanaan hey’adaha dowliga ah. Waana in lagaarsiiyo ilaa iyo heer ay taladooda gaari karto soomaali meel weliba oy joogan, waana inee noqdaan kuwa sharfan oo u madax banaan talooyinkooda. Khilaafaadka kadhex-dhasha reeraha waa in lagu dhex xaliyaa hey’ada dhexdeeda, meeshashana laga saaro tabashooyinka idaacadaha iyo baraha bulshada la’isku mariyo.

Ugu dambeyn, caqli-furnaanta iyo kartida shacabka soomaaliyeed oo lagu daray abaabulnaan bulsho, waxee bulshada Soomaaliyeed uqalmaan inee markooda ku hamiyaan qabashada hogaanka dunida.

Aragtida : Mahad Dahir
Madaxa Somamo.

Warar

Wararka La Xiirara