Wacyigelinta bulshada waa udub-dhexaadka horumarka nabadeed iyo dhismaha dowladnimo sugan. SOMAMO waxay aaminsan tahay in bulsho xog-ogaal ah ay tahay furaha nabad waarta, maamul wanaagsan iyo ka-qaybgal bulsho oo miro dhal ah.
Barnaamijyada wacyigelinta ee SOMAMO waxay diiradda saarayaan kor u qaadidda fahamka madaniga ah, kaalinta muwaadinka iyo muhiimadda ay dowladnimadu u leedahay xasilloonida bulshada. Bulshada waxaa la baraa xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinimo, sida sharciyada loo ilaaliyo, iyo doorka qof walba ku leeyahay ilaalinta amniga iyo kala dambeynta.
Sidoo kale, SOMAMO waxay dhiirrigelisaa ka-qaybgalka geeddi-socodka siyaasadeed, gaar ahaan doorashooyinka, si muwaadiniintu ay codkooda ugu muujiyaan rabitaankooda. Tani waxay gacan ka geysaneysaa dhismaha kalsoonida u dhaxeysa bulshada iyo hay’adaha dowliga ah.
Ugu dambeyn, wacyigelinta bulshada waxay abuureysaa bulsho fahamsan doorkeeda, kana shaqeysa nabad, midnimo iyo horumar waara.






