.
1. Hordhac
Khibradda dowladnimo ee Soomaaliya waxay na tustay in doorasho kasta oo dhacda iyadoo aan lagu heshiin “Rules of the Game” ama xeerarka garoonka ay keento is-mari-waa iyo dib u dhaca dalka oo soo noqnoqda. Somamo Research Center waxay aamminsan tahay in xasilloonida dhabta ahi ay ku jirto in la dhiso nidaam adag oo xakameynaya qof kasta oo xafiiska yimaada, heshiiskaasna la gaaro doorashada ka hor. Hadafku waa inaan ka guurno inaa doorasho weliba raadino madaxweyne Badbaadiye ah una guurno “Nidaam Badbaadiye ah.”
2. Sugidda Hey’adaha Xakamaynta (Check and Balance)
Waa inaynu isla aqoonsannaa in hay’adaha soo socdaa ay noqdaan kuwa madax-bannaan, dhex-dhexaad ah, oo ka sarreeya loolanka siyaasadda, si aan loogu isticmaalin tartanka xukunka:
* Maxkamadda Dastuuriga ah: In la helo garsoor xor ah oo dhex-dhexaad u ah dhinacyada tartamaya, go’aankiisuna yahay kan ugu dambeeya.
* Hantidhawrka iyo Bangiga Dhexe: In la isku raaco xeer xakameynaya hantida qaranka si looga hortago in loo isticmaalo olole iyo laaluush siyaasadeed.
* Ciidanka Amniga: In ciidanka laga reebo faragelinta siyaasadda, laguna koobo ilaalinta amniga iyo sharciga, iyadoo aan loo adeegsan karin cabsi-gelinta xisbiyada mucaaradka.
3. Kala-xadiyeynta Awoodaha iyo Wada-shaqaynta
Si looga fogaado isfaham waaga kadhaxeeya heerarka kala duwan ee maamulka dalka iyo is-qabqabsiga joogtada ah, waa in doorashada ka hor la isku raaco:
* Kala-soocidda Awoodaha: In si cad loo qeexo awoodaha ay gaarka u leedahay Dowladda Federaalka ah iyo kuwa ay leeyihiin Dowlad Goboleedyada.
* Nidaamka Wada-shaqaynta: In la helo madal rasmi ah oo ay heerarka dowladda ku wada hadlaan, si go’aannada masiiriga ah loogu gaaro is-afgarad, loona ilaaliyo midnimada nidaamka.
4. Heshiiska Dastuurka, qeybsiga Kheyraadka iyo Siyaasadda Dibadda
Ma jiri karto doorasho xasilloon haddii aan lagu heshiin tiirarka masiiriga ah ee qaranka:
* Nidaamka Wax-ka-beddelka Dastuurka: In la dejiyaa jid adag oo looga badbaadinayo Dastuurka in loo beddelo dano muddo xileed ama mid shakhsi.
* Habka loo qeybsanayo Kheyraadka: In la isla meel dhigo nidaam go’an oo cad oo qeexaya sida loo qaybsanayo dakhliga iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
* Tiirarka Siyaasadda Dibadda : In la isku raaco mabaadi’da aasaasiga ah ee xiriirka caalamiga ah, si aan doorasho walba loogu lumin saaxiibada istiraatiijiga ah loona ilaaliyo qarannimada dalka.
5. Mashaariicda Istiraatiijiga ah ee Qaranka
Waa in la isla meel dhigo mashaariicda waaweyn ee dalka in loo arko dhaxal qaran. Mid kasta oo guulaysta waxa ku waajib ah inuu dhammaystiro ama sii wado mashaariicdii horay u socday, si aanay doorashadu u noqon “bilaabid cusub” oo mar walba dalka dib u dhigta.
6. Xeerka Anshaxa Hoggaanka iyo “Afka Masuuliyadda”
Si loo sifeeyo jawiga siyaasadda ee dalka, waa in la soo saaraa “Xeerka Anshaxa Hoggaanka Qaranka” kaas oo dhigaya:
* Reebista Af-Qabiilka: Masuul kasta oo qaran waxaa ka reeban inuu isticmaalo luuqad qabiil ama uu u doodo dano deegaan gaar ah isagoo xafiis qaran jooga, xafiiskaas heerka uu doono hanoqdo. Luuqadda qaranku waa inay noqotaa “Afka Masuuliyadda.”
* Shaandheynta Hoggaanka (Vetting): In aan fursad loo siin in kaqeyb galaan loolanka doorashada (heerarka kala duwan ee dowladda) shakhsiyaadka ku sifoobay musuqmaasuqa, boobka hantida dadweynaha, kicinta fitnada iyo isku-dirka beelaha.
* Xildhibaan Qaran: Xildhibaanku waxa uu ka imaan karaa deegaan ama reer gaar ah, balse ma matalo qabiil ama reer: wuxuu si buuxda u matalaa qaranka, waana inuu ku ekaadaa gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday. Af reer ama deegaan kuma hadli karo.
Gunaanad
Dowladnimadu maahan kaliya in qof la doorto, balse waa in la isku raaco nidaamka xakameynaya qofka la doortay. Somamo Research Center waxay ugu baaqaysaa aqoonyahanka, ururrada bulshada rayidka ah, iyo madaxda Soomaaliyeed inay horkacaan dhisidda “Nidaamka Xakameynta” si tartanka siyaasadda oo u-noqdo mid dhab ah oo ku dhisan aragti iyo horumar waara.






